Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdiga kooxda Som United ayaa soo gaba gabeeyay safarkooda Booqashada Is-dhaxgal bulshada ay ku joogaan caasimada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdiga Ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda kubbadda cagta Som United ayaa ka ama baxday caasimada Muqdisho,iyagoo ku laabtay Magaalada Stockhom ee dalka Sweden waxayna caasimada u yimaadeyn ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho.

Macalinka kooxda Som United Maxamed Cabdiqaadir ayaa u mahad celiyay dowlada iyo shacabka Gobolka Banaadir sida wanaagsan ay dalka ugu soo dhaweeyeen imaatinkooda aysan iloobindoonin safarkoodii Muqdisho sanadaha soo aadan ay booqasho iyo is dhaxgal bulsho ka maridoonaan dhamaan gobolada wadanka.

Sequence-32.00_02_38_22.Still011-300x225

Gudoomiyaha ciyaaraha Gobalka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo wafdiga kooxda Som United ka amba baxiyay garoonka aadan cadde ayaa inoo sheegay in sanadka soo aadan ay sugidoonaan ilaa tobon koox oo qurbajoog ah si xirfadlayaasha gudaha Imaanaya loogu biiriyo xulka qaranka.

010A2853-300x200.jpg

Qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda Som United ayaa inoo waramay inta aysan ka duulaan garoonka aadan cadde ee caasimada,iyagoo tibaaxay ka hor inta aysan imaanin wadanka iyo iminka ay jirto farqi weyn saaxiibadii ay ugu soo tageyn Sweden ay ugu shaykeendoonaan sawirka dhabta ee ka jira dalka.

48419602_3564271860256414_26857971106657

Daari Cabdi Casiis Iskow oo ah Tababare ku xigeenka kooxda Som United ayaa bahda ciyaaraha gudaha iyo qurbajoogta kula dar daarmay in ay iska kaa shadaan horomarinta isboortiga Soomaaliya si mustaqbal loo ah xirfadlayaal tayo wanaagsan oo guulaha kasoo hooya tartamada caalamka.

48398929_3564271756923091_82344728336112

Sanadkan dhamaaday 2018 waxaa dalka booqasha iyo ciyaaro saaxiibtinimo u yimid saddex oo ka kala yimid jaaliyadaha UK,Austrlia iyo Sweden waxaan sanadkan soo aadan maamulka gobolka Banaadir wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada iyo xiriirka kubbadda cagta ay wadaan in caasimada lagu qabto tartanka Som Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Bixitaanka Kooxda Som United

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this