Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyiga Oo Ka Codsaday Madaxweyne Trump Kulan Xasaasi Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Wargeyska JOSUN ILBO ee ka soo baxa dalka Koonfurta Kuurya waxa uu saakayto oo Isniin ah qoray inuu Kim Jong Un qoraal u diray Madaxweyne Trump, kana codsaday Kulankaasi.

Warqadda Kim Jong u diray Trump ayaa la sheegay in la sii marsiiyey gacan kale oo aan la shaacinin, sida uu Wargeyskaasi ka soo xigtay ilo Diplomaasiyadeed oo aan la carabaabin.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mraaykanka iyo Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin caasimadda dalka Koonfurta Kuurta ee Siyool midnaba kama hadlin wararka sheegaya inuu Hoggaamiyaha Waqooyiga qoraal u diray Donald Trump.

Labada Hoggaamiye waxay Kulankoodii ugu horreeyey ku yeesheen dalka Singabuur bishii June ee sannadkan, iyagoo ku heshiiyey in laga shaqeeyo sidii ay Waqooyiga Kuurya u burburin lahaayeen Hubkooda Nukliyeerka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this