Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Dalka Masar Oo Weerar Ku Dilay 40 Mintidiin Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Booliiska dalka Masar ayaa dilay tiro mintidiin ah ka dib weerar ay ciidamada ammaanka ku qaadeen goob ay gabaad ka dhiganayeen,waxaa sidaasi sheegtay wasaarada arrimaha gudaha ee Masar.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay “40 argagixiso ah ” oo ku sugnaa goobta lagu magacaabo Giza oo ku taalla waqooyiga lama dagaanka Sinai,sida lagu sheegay bayaan ay wasaarada soo saartay.

Booliiska dalka Masar ayaa waxay sidoo kale sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen aalado laga sameeyo bambaanooyiinka.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in kooxdan mintidka ah ay qorshaynayeen in weeraro xiriir ah ka gaystaan goobaha loo dalxiis tago,kaniisdaha iyo ciidamada ammaanka.

Weerarka ciidamada ammaanka ee masar ayaa yimid ka dib markii gaari Bas ah oo siday dad dalxiisayaal ah jimcihii bam waddada loo dhigay uu ku qarxay magaalada Giza.

Ma jiro ilaa imika koox sheegtay masuuliyadda weerarkaasi oo ay ku dhinteen 3 qof oo u dhalatay dalka Vietnam.

Balse kooxaha mintidiinta ah ayaa horey u bartilmaameedsaday dad dalxiisayaal ah.

Dalxiiska ayaa ka mid ah ila dhaqaalaha ballaaran uu ka soo galo dalka Masar.

Sanadkii 2010 ayaa waxaa dalkaasi booqasho ku tagay in ka badan 14 milyan oo qof,balse tiradaasi ayaa hoos u dhacday ka dib kacdoonkii dalalka carabta.

Sanadkii 2017 waxaa masar booqatay 8.3 milyan oo qof, sida uu qoray wargayska the Financial Times.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this