Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Taliban Oo Ku Gacansaydhay Wadahadallo Ay La Galaan Dowladda Afqainstan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ee dalka Afqanistan ayaa sheegtay in aysan wadahadalo toos ah la yeelan doonin dowladda Afqanistan marka wareega labaad ee wadahadalada nabada ay ka billaabmaan dalka Sacuudiga.

Hasa yeeshee sargaal sare oo ka tirsan wakiilada Taliban ayaa sheegay in saraakiisha mareykanka ay kula kulmi doonaan magaalada Jiddah ee boqortooyada Sacuudiga.

Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka.

Diidmada Taliban ay diideen in ay la kumaan dowladda Afqanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay in ergo uu u diri doona kulanka Taliban.

Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taliban diideen ina y la kulmaan dowladda Afqanistan.

Madaxwayne Khani ayaa horey ugu baaqay kooxda Taliban in ay xabbadda joojiyaan oo ay wadaxaajood la galaan dowladda Afqanistan.

Dagaalyahanada Taliban ayaa gacanta ku haya qaybo ka mid ah gobolada dalka Afqanistaan.

Waxa ay goobaha ay dowladda ka taliso ka gaystaan weeraro ay dad badan ku dhintaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this