Deeq A. Posted December 31, 2018 Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka wadaan guud ahaan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wariyaheena Muuse Cabaas ayaa soo sheegaya in ciidamada ay baarayaan guryaha ku yaalla xaafadaha degmadaasi, sidoo kalena lagu soo qabtay dhallinyaro badan. Ciidamadan ayaa saakay mar qura kusoo faafay xaafadaha Afgooye, waxaana saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ay sheegeen iney raadinayaan dad looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab. Ma jirto faah faahin kale oo saraakiisha ammaanka ka bixiyeen tirada dadka ay kusoo qabteen howlgalkaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites