Deeq A. Posted December 31, 2018 Afmadow ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ballaaran oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka sameeyeen agagaarka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi. Ujeedka howlgalkan ayaa lagu sheegay mid ka dhan ah Xarakada Al Shabaab oo ku xoogan gobolka Jubbada Dhexe ee K/ Soomaaliya. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha maamulka Jubbaland oo ku aadan howlgalkaasi. Shalay ayey aheyd markii howlgal cusub uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo wacad ku maray in Al Shabaab laga saarayo gobolkaasi. The post Howlgal ka dhan ah Al Shabaab Oo laga sameeyay Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites