Sign in to follow this  
Deeq A.

Senator Faroole Oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Gaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa dhawaajiyay in Madaxweyne Gaas 5-tii Sano oo uu xilka hayay uu dib u dhigay horumarka Puntland.

Sidoo kalena maamulka uu hoggaamiyo uu ku kacay Musuq-maasuq xoogan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu jaray xiriirkii Puntland kala dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoos eka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Jaamac-1-.mp3

The post Senator Faroole Oo eedeyn u jeediyay Madaxweyne Gaas appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this