Deeq A. Posted December 31, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal BFS Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa Tacsi ka diray Geeridii ku timid Allaha unaxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo ku magac dheeraa (Korneyl Ruush) Senator Qeybdiid ayaa sheegay in Marxuumka uu howlo badan u soo qabtay dalka, islamarkaana uu ka mid ahaa Guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) gudoomiyaha gudiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maanta Marxuumka Aas Qaran loogu sameyn doono gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Allaha u naxriistee Xildhibaan Korneyl Ruush ayaa haatan ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad iyo sidoo kale Baarlamaankii 9-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya. The post Qeybdiid Oo ka Tacsiyadeeyay Geeridii Korneyl Ruush appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites