Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaca iyo qabiilka uu kasoo jeedo ruuxii isku qarxiyay Tiyaatarka oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Al Shabaab ayaa muddo todobaad ah kadib shaaciyay magaca ruuxii isku qarxiyay afaafka hore ee tiyaatarka qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale baahiyay qabiilka uu kasoo jeedo ruuxii isku qarxiyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Jamaal Jeylaani Nuur Cadow, kaasi oo muddo badan kamid ahaa Al Shabaab.

Baraha Al Shabaab ee lagu faafiyo wararkooda ayaa lagu sheegay in Jamaal Jeylaani uu kasoo jeeda Beesha Murusade uuna kasii yahay jufada Habar Ceyne, waxaana da’diisa lagu sheegay 23 sano jir.

22-dii Bishaan sii dhamaaneyso ee December ayuu qaraxaasi ka dhacay Tiyaatarka qaranka, waxaana ku dhintay inka badan 20 ruux oo uu ku jiray wariye Cawil Daahir Salaad iyo shaqaale kale oo ka tirsan TV-Universal.

Jaylaani ayaa 2008 ku biiray Al Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo badan oo Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira halka gaariga uu ka yimid iyo sida ay ugu suurogashay inuu yimaado halka uu ku qarxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this