Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Mursal oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Ruush

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal uusoo saaray kaga hadlay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle.

Ugu horeyntii, waxa uu ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) oo maanta ugu geeriyooday Magaaladda Muqdisho xanuun dhinaca Wadnaha ah.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, Gudoomiye Mursal ayaa Alle uga baryay inuu siiyo naxriistiisa, ehelkiisa, golaha Shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan Guddoonka Golaha Shacabka iyo kan Guud ahaan Xildhibaanada waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelka, xildhibaanka uu ka geeriyooday,Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Allaha ha u naxriisto ,Kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo Xildhibaanka waxa uu ahaa qof wadani ah oo jecel horumarka dowladnimada Dalka,waxa uu ahaa shaqsiyadiisa qof af gaaban oo Mar walba cibaadada Alle ku dadaala,naxriis badan Alle ka cabsigana dadka ku waaniya Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo Anagana gadaashiisa nama fidneeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

The post Gudoomiye Mursal oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Ruush appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this