Sign in to follow this  
Deeq A.

Askarta Itoobiya oo shaaciyey sababta ay uga qeyb-galeen dagaal beeleedka Galgaduud iyo qorshe ay ka damacsaneyd DF oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gelinsoor (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegau inay baaqatay munaasabad uu wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya kula wareegi lahaa laba Askari oo Itoobiyaan ah oo lagu qabtay dagaal todobaadkii hore kadhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo u dhexeeyey beelaha Habar-gidir iyo Mareexaan ee wada dega gobolka oo daaq iyo dhul isku hayey, ayaa qayb kamid ah ciidanka Itoobiya oo fadhiisinka ku leh meel u dhow Kaxandhaale waxa ay ka qayb galeen dagaalka.

Labada Askari ee Itoobiyaanka ah midkood ayaa u sheegay dadkii la kulmay in xog been ah oo loo sheegay awgeed ay uga qaybgaleen dagaalka, waxa ay sheegeen in lagu wargeliyey in Al-Shabaab ay weerarayaan dalkooda oo dagaalka ay dhinac ka yihiin sidaas awgeedna ay u galeen dagaalka.

Diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah (Helicopter) oo qaadi lahayd labada Askari ayaa dib u laabatay iyada oo aan qaadin labada Askari ee Maxbuuska ah kaddib buuq iyo ismariwaa kusaabsan wareejinta Askartan.

Wasiirk Arrimaha gudaha Injineer Cabdi Maxamed Sebriye iyo Wafdi uu horkacayo ayaa ka baxay Gelinsoor isaga oo kuwajahan Cadaado. Wafdiga ayaa loo diiday in lagu wareejiyo laba askari oo ka mid ah kuwa Itoobiya oo ka qayb galay dagaalka Beelaha u dhexeeye ee ka dhacay Kaxandhaale

Wararka aan kahelnay gobolka ayaa sheegaya in madaxweyne goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka biyo diiday in xukuumadda Federaalka loo dhiibo askartan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this