Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo Muqdisho ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayoow Cabdulle  uu ku magac dheeraa Korneel Ruush oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Ruush ayaa geeriyooday kadib markii uu wadnaha istaagay sida ay sheegeen qaar kamid ah ehelkiisa.

Xildhibaanka ayaa kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka ee deegaan ahaan ka soo jeedo Deegaanada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay geeridaasi ku timid xildhibaanka eebana uga baryay in uu geeyo janadiisa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho 

The post Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo Muqdisho ku Geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this