Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Murashixiinta oo si adag uga digay fara-gelinta gudaha dalka iyo debadda ee doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Murashixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada puntland ee 2019 oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 4 qodob oo ku saabsan arrimaha doorashada.

War-saxaafadeedka oo uu warbaahinta u akhriyay, Aadan Maxamed Ciise(Gaadaale) ayey murashixiintu ku sheegeen in lagu heshiiyay, amniga doorashada in looga dambeeyo taliyaha u xil-saaran,islamarkaana wixii soo kordha lagala xiriiro, guddiga joogtada ah ee isimada Puntland.

Sidoo kale murashixiintu  waxay sheegeen, in dadka Puntland iyo siyaasiyiintooduba xaq u leeyihiin shirarka siyaasadeed ee aan wax loogu dhimayn amniga guud,sida waafaqsan Dastuurka Puntland.

Taliyaha amniga doorashada Sarreeye Gaas,Cabdirisaaq Siciid Diiriye ayaa dhinaca kale war-saxaafadeedka looga codsaday, in uu si joogto ah xiriir ula yeesho,ciidamada murashixiinta ilaaliya,si loo hagaajiyo amniga doorashada.

Ugu dambeyntii, murashixiinta ayaa si adag uga digay, in fara-gelin lagu sameeyo doorashada madaxtinimada Puntland,waxaana ay ku baaqeen in laga feejignaado fara-gelinta ka imaanaysa dalka gudihiisa iyo debaddiisa labadaba.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland: Murashixiinta oo si adag uga digay fara-gelinta gudaha dalka iyo debadda ee doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this