Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa BF oo Muqdisho ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan ka mid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, oo ku magac dheeraa Korneyl Ruush ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii wadnaha uu istaagay, sida xildhibaanada baarlamaanka ay xaqiijiyeen.

Xildhibaan Ruush ayaa ka mid ahaa guddiga dastuurka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xanuunka uu kusoo booday maanta, sida ehelkiisa ay xaqiijiyeen.

Axmed Mayoow Cabdulle ayaa waxaa laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana uu kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this