Deeq A. Posted December 30, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan M/Muqdisho oo aan la dhex qaadnay cod baahiyaha Radio Shabelle, si aan wax uga weydiino dareenkooda ku aadan dowladdii ugu horreysay oo u istaagtay in ay soo deyso Maxaasbiis Soomaaliyeed oo ku xirneyd dalalka Caalamka, sida Shiishalis, Hindiya, Liibiya , Itoobiya iyo wadama kale. Ugu horreyn shacabkan ayaa soo dhaweeyay tallaabooyinka ay dhinaca horumarka u qaaday dowladda feredaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul waaaraha in kiisaska nuucan oo kale ah ay dib u eegis ku sameeyaan, maadaama ay sheegeen in dambiyo been abuur ah lagu soo oogo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada dalalka caalamka. Waxaana ay tilmaameen in sidoo kale loo baahanyahay in marka la keeno dhalinyaradaasi lagu wareejiyo Ehelladooda, halka lagu sii xiri lahaa gudaha dalka. Dhinaca kale Axlaan Tahliil oo Sayigeeda uu ka mid yahay dhalinyaro laga keenay Shiishalis, balse haatan ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar ayaa baaq u dirtay dowladda. Axlaan ayaa ka dalbatay madaxda Qaranka in la soo daayo Sayigeeda oo in muddo ah ku dhibaateysnaa dalka dibaddiisa. DFS ayaa horay dalka u keentay dhalinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalal ka mid ah caalamka, tallaabadaas oo ay shacabku ku bogaadiyeen madaxda dalka. The post Shacabka Muqdisho Oo bogaadiyay horumarka DFS appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites