Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad u dhexeysa Soomaalida Canfarta Oo ka taagan Ethiopia

Recommended Posts

Deeq A.   

Endefo ( Sh. M. Network )-Xiisan dagaal u dhexeysa Qowmiyadaha Canfarta iyo Soomaalida  ayaa lagu soo warramayaa in maantaa y ka taagan tahay Xadka ay wadaagan maamulada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Ethiopia.

Xiisadani oo soo bilaabatay 25-kii bishani, sida ay warisay warbaahinta Ethiopia ayaa waxa ay ka taagan tahay deegaan Endefo, kaas oo xiriiriya Xadka labadaasi maamul.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi ay ku dagaalameen Booliska Maamulka Canfarta iyo Rag hubeysan oo ka tirsan Qowmiayadda Soomaalida.

Waxaana la sheegay in dhimashadu ay mareyso illa18 Qof iyo dhaawacuna intaasi uu ka badan yahay.

Ciidamo ka tirstan Booliska federaalka ee Ethiopia ayaa loo daad gureeyay, si ay uga hortagaan xiisadaasi.

Arrintani  ayaa imaaneysa, xilli Qowmiyadda Soomaalida Ethiopia ay wajahaysay xiisad kale oo kala dhaxeysa Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi.

The post Xiisad u dhexeysa Soomaalida Canfarta Oo ka taagan Ethiopia appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this