Deeq A. Posted December 30, 2018 Galinsoor ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta gaaray magaalada Galinsoor ee G/Galgaduud. Wasiir Sabriye iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi ayaa ka bilaabay kulamo lagu xalinayo colaada ka taagan deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Kulamadan ayaa waxa ka qeyb galaya Odayaasha labada Beelood ee ku dagaalamaya qeybo ka mid ah G/Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay wafdi ka kooban labada gole u dirtay xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday gobolkaasi. The post Wasiirka arrimaha gudaha Oo kulamo ka bilaabay Galinsoor appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites