Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo qabtay Muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara ( Sh. M. Network )-Howlgal ballaaran oo Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah dalkaasi ayey ku soo qabteen 189 Muhaajiriin ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska dalkaasi.

Booliska ayaa sheegay in Muhaajiriinta ay soo qabteen oo u badnaa Caruur iyo Haween ay badankood ka yimaadeen Qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in howlka ay Ciidankooda ka wadaan dalkaasi lagu soo qabanayo Muhaajiriinta sida sharci darrada ah ku soo galay Turkiga.

Ciidamada ilaaladda ee xeebaha ee dalkaasi ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay tiro dad ah oo la sheegay in ay doonayeen in ay u gudbaan dhinaca dalka Giriiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee Turkgia ayaa lagu sheegay in Muhaajiriinta laga soo qabtay gudaha dalkaasi ay ka soo kala jeedaan dalalka Afghanistan, Palestine, Somalia, Kenya, Masar, Eritrea iyo Cameron.

Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ayaa sanadkan qabtay 265,000 oo ah Muhaajiriin doonayay in ay u sii gudbaan qaar ka mid dalalka Qaaradda Yurub.

The post Turkiga Oo qabtay Muhaajiriin ay ku jiraan Soomaali appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this