Sign in to follow this  
Deeq A.

Dr Cali Ciise oo ku dhawaaqay murashax madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
TALEEX.jpg-1.jpg?resize=910%2C594&ssl=1Murashax Cali Ciise Cabdi 30.12.2018

Dr Cali Ciise Cabdi oo kamid ah siyaasiyiinta gobolka Sool, ayaa Axadda maanta ah  Garoowe kaga dhawaaqay, in uu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha dowladda Puntland ee doorashada 8-da Jennaayo 2019 oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin.

Siyaasigan oo ka yimid magaalada Muqdisho ayaa maalin ka hor soo gaaray caasumadda Puntland ee Garoowe,waxaana uu kulamo la qaatay qaar kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda gobolada Sool iyo Cayn.

Mas’uulkan ku dhawaaqay murashaxnimada madaxweynaha Puntland, ayaa hore uga tirsanaa madaxdii as’aastay maamulkii Khaatumo ee lagu dhisay degmada taariikhiga ah ee Taleex,waxaana uu dhaliilsana siyaasadda Puntland iyo Somaliland ee ku wajahan gobolka Sool oo ay ku muransan yihiin labada maamul.

Dhinaca kale Dr Cali Ciise wuxuu ka tirsanyahay guddiga dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 12-kii July ee sannadkan 2018.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Dr Cali Ciise oo ku dhawaaqay murashax madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this