Deeq A. Posted December 30, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka. Illaa 147 Mudane oo ka tirsan BFS ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda 2019-ka. Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ugu codeeyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay. 170 Xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaana diiday hal Xildhibaan, mana jirin wax ka aamusay. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka sida oo ay soo diyaariyeen guddiga difaaca ee Golaha Shacabka. 171 Xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday labo Mudane, Xildhibaan ka aamusayna ma jiro. Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga difaaca ee BFS Xuseen Carab Ciise ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. The post Golaha Shacabka Oo meel mariyay Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites