Deeq A. Posted December 30, 2018 Cadale ( Sh. M. Network )-Xiisad beeleed xoogan ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Xiisada oo u dhexeyo Beelo walaalo ah ayaa waxaa la sheegay in ay ka aloosan tahay deegaano u dhow degmada Cadale ee gobolkaasi. Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdulle oo ah taliyaha guutada afaraad ee aaga degmada Cadale ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in ay jiraan xiisado halkaasi ka taagan, islamarkaana ay dhici karaan dagaallo, haddii aan laga hortagin. Cali Xaashi Cabdulle Gaashaanle Sare ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle in loo istaago wax ka qabashada colaadaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka ay dagan tahay xaaladda deegaanadii lagu diriray, iyadoo ay dadaallo lagu xalinayo xiisada labada Beelood ay ka socdaan degmadaasi. Xildhibaan Cismaan C/laahi Dhoore oo ka mid ah Baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay isaga oo ku sugan degmada Maxaas in ay jiraan dad uu ku tilmaamay qas wadayaal hurinaya colaada ka taagan deegaanadaasi. Maalmihii ugu dambeeyay gobollada Sh/ Dhexe, Hiiraan, iyo Galgaduud waxaa ka taagnaa dagaal Beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. The post Xiisad beeleed xoogan Oo ka taagan duleedka Cadale appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites