Sign in to follow this  
Deeq A.

G/ Shacabka Oo Cod u qaadayo Miisaaniyadda 2019-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Netwpork )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta oo ah Axad Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka.

Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

The post G/ Shacabka Oo Cod u qaadayo Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this