Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka cadaaladda Oo baaq u diray hay’adaha Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa hay’adaha Garsoorka dalka ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameeyaan xaaladda Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar, gaar ahaan kuwa loo heysto deymaha Lacagaha ah.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa xusay in ay muhiim tahay in la garab istaago dadkaasi, maadaama ay u xiran yihiin Lacago yar oo laga bixin karo.

Maxaasbiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka ayaa inta badan dhibaatooyin xoogan la kulmo, kuwaas oo mararka qaar loo geysto tacadiyo ka dhan aadanaha.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa haatan wada dadaallo arrintaasi wax looga qabanayo iyo xaaladda Maxaabiista Soomaaliyeed.

The post Wasiirka cadaaladda Oo baaq u diray hay’adaha Garsoorka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this