Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Lafta Gareen Oo la kulmay Waxgaradka Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay kulan la qaaday mas’uuliyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Xudur ee xarunta G/Bakool.

Kulankan ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray baahiyaha kala duwan ee ay qabaan shacabka gobolkaasi.

Madaxweyne Lafta Gareen oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamukiisu uu wax badan ka qaban dono dhibaatooyinka ka jira gobolka Bakool.

Shalay ayey aheyd markii uu wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed ay gaareen magaalada Xudur oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

The post Madaxweyne Lafta Gareen Oo la kulmay Waxgaradka Xudur appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this