Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe oo la ciir-ciiraysa dadkii ugu badnaa iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Degaanada Puntland waxaa siweyn looga diyaar garoobayaa doorashadda madaxtinimada Puntland oo ay ka harsan mudo asbuuc ah, kumanaan qof oo xiisaynaaya doorashada ayaa soo gaaray caasimada Garowe, dadka kusoo qul-qulaaya magaalada ayaa u badan taageerayaasha musharixiinta oo doonaaya inay taageeradooda ku bari-taaraan musharaxa ay taageersan yihiin.

Liiska xildhibaanada cusub

Waxaa saacadaha fooda ina kusoo haya la filaayaa inay guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanku soo saaraan liiska 66-da xildhibaan ee kamid noqday baarlamaanka cusub ee Dawlada Puntland 2019-2023. Sida ay xaqiijinayaan wararka ay helayso PUNTLAND POST guddiga ayaa ku jira diyaar-garowgoodii ugu dambeeyey ee shaacin xubnaha baarlamaanka cusub.

Mashquulka magaaladda

garc1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1Mashquulka caasimada

Magaalada waxaa siweyn looga darreemayaa mashquul aad u sareeya, waxaana saxmad iyo ciriiri laga dareemayaa guud ahaan wadooyinka caasimada Puntland, maadama aad moodid in gaadiidkii ka tiro batay wadooyinka magaalada, sidoo kale meheradaha, hotelada iyo goobaha lagu qaxweeyo marka aad booqatid waa adag tahay inaad meel banaan ka heshid.

Amniga Garowe

Waxaa siweyn loo adkeeyey amaanka caasimada Puntland, waxaana wadooyinka la soo dhigay ciidamo aad u qalabaysan oo isugu jira ciidamada PSF, Boolis iyo ciidamada PMPF, iyadoo baraha kantaroolada ee laga soo gallo magaalada la geeyey ciidamo dheeriya si loo xaqiijiyo dadka tirada badan ee magaalada kusoo qul-qulaaya.

Ololaha doorashada.

ga-2.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Musharixiinta ayaa wadada olole xoogan oo doorashada ah, waxaana magaalada lagu arkaayaa gaadiid lagu xiray cod-baahiye iyo muuqaal-baahiye kuwaas oo ay musharixiintu ku gudbinayaan fariintooda doorashadda, waxaa magaalada laga taagay tabeelayaal waaweyn oo ay ku dheggan yihiin sawiradda musharixiintu.

Isku soo wadda duubo doorashadan ayaa u muuqata mid xiiso gooniya leh, waana waxa ugu weyn ee laga hadal hayo guud ahaan degaanada Puntland iyo degaanada kale ee Soomaalida.

PUNTLAND POST

The post Garowe oo la ciir-ciiraysa dadkii ugu badnaa iyo wararkii ugu dambeeyey ee doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this