Sign in to follow this  
Deeq A.

Saldhiggii ugu waynaa ee qaraxyada Shabaab oo la burburiyey, laguna laayey dagaal-yahanno badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka.

Ku dhawaad 30 dagaalame iyo 4 hogaamiye oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow

General Bogmadow ayaa Tilmaamay in hogaamiyeyaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo sarkaal oo Ajaanib ah

Magacyada saraakiisha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka iyo dalka ay kasoo jeedaan ayaa kala ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya , Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya) ayaa heesta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya Al-shabaab

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Al-shabaabka fuliya isqarxinta.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in saldhigga la duqeyay uu ka mid ahaa Goob ay Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this