Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb.Axmed Safiina: Masuul Dhallinyaro Ah Oo Tusaale Ugu Filan Jiilka Cusub Ee Muwaadiniinta Ah    

Recommended Posts

Deeq A.   

Amb.Axmed Safiina: Masuul Dhallinyaro Ah Oo Tusaale Ugu Filan Jiilka Cusub Ee Muwaadiniinta Ah

 IMG-20181107-WA0002-259x300.jpg

Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Waddamada Islaamka Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) oo hore u ahaan jiray Wakiilka Arrimaha Xajka ee Somaliland u fadhiya waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa uu ka mid yahay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee reer Somaliland ee firfircoon inta badan isku hawla arrimaha khuseeya Qaranka.

Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) mudadii xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin talada dalka haysay waxa loo magacaabay Wakiilka Arrimaha Xajka oo uu wax badan ka soo qabtay isaga oo lagu xasuusto wax-qabadkiisii la xidhiidhay Arrimaha Xajka iyo sida uu uga hawl galay wax badana ugu qabtay Xujaajta reer Somaliland ee soo gudata acmaasha xajka halkaasi oo lagu bartay sidii cajiibka ahayd ee uu uga soo hawl galay waddanka Sucuudiga. ku koobnayn muddodaasi dhinaca Arrimaha Xajka ee wax badan ka qabtay xidhiidhka Somaliland iyo boqortooyada Sucuudiga.

Markii uu xilkaasi iskii uga tagay isaga oo ka mid ahaa xubno badan oo xukuumaddaasi ka tirsanaa oo saluug ay ka muujiyeen qaabkii wakhtigaasi loo maareeeyey doorashadii xisbiga KULMIYE waxa uu Axmed Aadan Dagaal (axmed Safiina) markii dambe si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Mucaaridka Somaliland ugu weyn ee WADDANI waxaanu Guddoomiyaha xisbigaasi Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) u magacaabay Xoghayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Waddamada Islaamka isaga oo dardar galiyey arrimihii uu awalba ka shaqaynayay ee la xidhiidhay dalalka Carabta gaar ahaan waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) kuma koobnayn wax ka qabashada xisbiga WADDANI ee uu ka tirsan yahay balse waxa uu mar walba ka shaqeeyaa sidii uu dalkiisa wax ugu qaban lahaa isaga oo axsaab mucaarad iyo xukuumadba mar walba ku garab joogsada wax kasta oo uu ka qaban karayo arrimaha horumarinta dalkiisa Somaliland waxaanu inta badan meel kasta kaga hawl galaa isaga oo ah aqoonyahan firfircoon oo qaddiyadaha dalkiisa wax badan tara.

Kulamada is daba joogga ah ee uu la yeesho madaxda carabta, gaar ahaan shirarka iyo kulamada uu ka qayb galo waxa uu mar kasta ka keenaa fursado dalka waxtar ugu filan waxaanu fursad kasta oo uu soo jiido la xidhiidhaa cidda ay khusayso isaga oo aan ku koobnayn xisbigiisa WADDANI balse xukuumadda iyo muwaadiniintaba kala shaqeeya.

 

Toddobaadadii ugu dambeeyey Ambassador waxa uu magaalada Jeddah kaga qayb galay kulan ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayay Carwo dhinaca buugaagta ah oo uu ka mid ahaa dadkii sida rasmiga ah loogu marti qaaday.

Mudadii uu kulankaasi ballaadhan iyo carwadaasi buugaagta ee lagu qabtay Magaalada Jiddah uu halkaasi kula kulmay masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Amiirka Gobalka Makkah AL Mukarama ahna Lataliyaha gaarka ah ee Boqorka Sacuudi Carabiya Amiir Khaalid Al Faysal Bin Cabdi Casiis Ala-Sacuud kaasi oo isagu rasmi ahaan xadhiga uga jaray INTERNATIONAL BOOK FIAR JEDDEH. Kulankaasi waxa kasoo qayb galay koox wasiiro ah, waxana lagu soo casuumay 40 dawladood oo dunida ah iyo marti sharaf sare oo Axmed safiina kamid yahay.

Sidoo kale Ambassador Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) waxa uu dhawaan xukuumadda Somaliland iyo Xisbigiisa WADDANI-ba ku wareejiyey Diiwaanka Barnaamijka Al Xawkama Al Bankiya.

Axmed waa nin dhallinyaro ah oo aqoon badan lehna saqaafad sarraysa kana mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ay u kala caddahay qaranimada iyo danta gaarka ahi isaga oo wakhtiga intiisa ugu badan ku qaata sidii uu qarankiisa ugu adeegi lahaa

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this