Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhri Oo Ka Bogo Gabaygii Loogu Hadal Haynta Badnaa Todobaadkan Ee Loo Tiriyay Madaxweyne Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Akhri Oo Ka Bogo Gabaygii Loogu Hadal Haynta Badnaa Todobaadkan Ee Loo Tiriyay Madaxweyne Muuse Biixi

022F3054-2123-4074-87D7-7A65EAC9FC02_w40

Waxaanu Halkan Akhristayaashayada ugu soo gudbinaynaa Gabay Qoraal ah uu todobaadkii hore u tiriyay Madaxweyne Muuse Biixi Masuul Xisbiga Kulmiye ka tirsanaa oo aad ugu soo ololeeyay Wakhtigii Doorashada Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday Dabayaaqadii sanadkii hore ee 2017-Kii, Waxa uu masuulkani Madaxweynaha kula garnaqsaday Gabaygan isagoo kusoo qaatay waayihii iyo dhacdooyinkii uu kala soo kifaaxay Wakhtigii Doorashada.

Cismaan Axmed Maxamed ayaa sida aanu warbixin ku helnay inmuddo ahba saluugsanaa Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo si xor ah warbaahinta uga tabiyay ku qanacsanaan la’aanta ka haysata hanaanka uu Madaxweyne Muuse Dalka ku hogaamiyo, waxaanay taasi keentay in isaga iyo laba masuul oo kale laga eryo Xisbiga Kulmiye. Waxa uu markii ay soo baxday Warqadda Lagaga caydhiyay Xisbiga uu tiriyay gabay si weyn u soo jiitay Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana uu noqday gabaydii todobaadkii hore illaa hadda loogu hadal haynta badan yahay ee loogu daawashada badan yahay, islamarkaana si weyn loogu qaadaa dhigay Baraha Bulshada. Gabaygani waxa uu ku bilaabmayaa sidan:

“Tan iyo xiitaa markii uu ahaa Gaban yar oo Xuur ah,

Xadhiguu maroorsho iyo nin uu Xiribo mooyaane.

Isagaan Xarrago dir u lahayn Xeerna laga tuugin

Oo aan awoowgii Xukumin xayn yar oo Gibil ah

Ninkii aan Xariirta u goglay ee Xumaha ii quudhay

Hadaan Muuse Xayraan aqaan Xil uma dhiibteen eh

Xaashe ah waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday.

Xafiiskii Kulmiye maalintii la isku Xayndaabay

Nin waliba Xigaalkii Markuu Xarunta Soo dhoobay

Isagoo Xigaal iyo Tol iyo Xididba soo waayay

Oo uu raggii Cid ugu xigay Muuse ka Xanaaqay

Anigaan Xisaabtamin Ninkaan Xerada Soo gooyay

Ee aan Xoolahayga iyo Nafta Ee Aan Xoogba ugu deeqay

Xadigaad ogaydeen Ninkaan Foodka u xambaarshay

Ee aan Xaafadayda iyo Tolkay uga xuluuleeyay

Haddaan Muuse Xayraan aqaan, Wax uma dhiibteen eh

 Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday

Xadka Durugsan, Xeebtii Sanaag, xarunta laascaanood

Xiis illaa Maydh ninkaan Orod u xiimaayay

Xirsi iyo Samaaleba ninkaan Xawda uga gooyay

Ee aan Xaasidkii Yoonis iyo Xulufadii u laayay

Ninkii aan u xarimay Faysal iyo Odaygii Xiirnaaba

Xisbiyadda iyo Reeraha ninkaan kala xabaal seegnay

Hadaan Muuse Xayraan aqaan, Xil Uma Dhiibteen eh

Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Wadaye.

Sidii Baarqab Xer u dhalan ah oo Xiite lagu quudshay

Oo Geelaha Xaaskiyo Nirgaha kala xaraasaaya

Ama farax Xaraan ah oo inbadan xawli u ordaayay

Xayaysiiska Qaylada markaan xarakadaynaayay

Sidii Aar xabaabsaday ninkaan abbur ka xooraayay

Hadaan Muuse Xayraan aqaan xil uma dhiibteen eh

Xaasha eh waxbaa iga qabsaday Xaajigaan Waday.

Isaga iyo Xigaalkii markuu Xukunka doonaayay

Wuxuu Xeerkii noo yiil ahaa inaan Xujaynaaye

Xarfo adag intay kaga qoreen Xaashidiyo Buugga

Waa tay Xisbiga Maalintii nagu xumeeyeen eh

Xaq waxaan u leeyahay Ninkaan uga xishoonaayay

Markii aan xisaabtamay Hadduu ii cuskaday Xeerka

Xisbi furanayaa iyo WADDANI kaga xeroonaaba

Xalku wuxuu uyaala maanta waa Habar xabuusheed eh

Xinjir bururtay Nimanbaa ka baqa dhiigga xawda leh

Xabad iyo Markay Qori tagto eey xaaladu adkaato

Ee ay talo xadhaadhaato yaan Xiniinyo yeeshaaye

Waxan ahay Xadiid aanu Karin Xanan la qiijaaye

Xaqna waxaan u leeyahay majiro nin iga xoogaaye

Waligoodba xadhig laguma dayin Xaafaddaan ahaye

Xamil waran Muusaw rag waa is Xiniinyo taabtaaye”.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this