Sign in to follow this  
Deeq A.

kaftanka maanta ,ma mucaarid baa jira haddii maxamed goobaayo…W/Q Axmednur Guruje

Recommended Posts

Deeq A.   

kaftanka maanta ,ma mucaarid baa jira haddii maxamed goobaayo ,, .
Dawladii maxamed ibraahin cigaal ,waxaa mucaaridi jirey xubno bàarlamaankii waagaas Ka tirsanaa oo ay Ka mid ahaayeen ,
Gen jaamac maxamed qaalib ,
Axmed m siilaanyo ,
Maxamuud saalax fagadhe
Cabdiraxmaan dheere
Iyo xuseen axmed caydiiid .
Dawladii labaad ee cigaal ,iyana waxaa sutida u hayay mucaaridkii baarlamaanka oo xakame adag Ku hayay iyadoo aanay jirin

9632FABD-FFBD-4B43-80A4-3FEB4731F86D.jpe

asxaab mucaarad ihiba.

Markii loo gudbay ,axsaabta doorashadii April 2003 waxaa Ku guulaystay xisbigii udub , kaasoo lahaa bàarlamaankii ugu badnaa ,sidàa darteed mucaaridadu waxay gashay habac in muddo ah ,hasa yeeshee waxay laba kac laysay doorashadii baarlamaanka markii xisbiga kulmiye helay 28 xubnood oo mitid ah , xisbiga ucidna uu bah wadaag la samastay .
Laga bilaabo 2005 mucaaridadii xisbiga kulmiye waxaa hogaaminayay xubnihisa baarlamaanka , xisbiguna taageero iyo hiil ayuun buu la Barbar taagnaa, garoonka kubadu taalo ee lagu loolamayaan baarlamaanka ayuu ahaa .
Maanta miisaaniyaddii waa la ansixiyay sidii loo ansixiyay miisaaniyaddii Ka horaysay ,ee loo ansixiyay xeerkii kufsiga ee loo ansixiyay xeerkii booliska , mar walbana sidan ayuun baa wax loo ansixiyaa iyadoo aan mucaaridku wax saamayna Ku lahayn .
Wasaarada daakhiliga sidda uu sheegayo xeerka gobolada iyo degmooyinka ee xeer number 23 ,waxaa Ku waajiba in ay samayso Kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka , welina lama samayn ,wasiirkana goluhu arrintaa kuma gole joojin kumana cadaadin .
Markaa wasiirkii daakhiliga ee dawladaha hoose ,gobolada iyo degmooyinka iyo amniga masuulka Ka ahaa ,haddii uu yidhi waxaanu tabaynaa mucaarid adag saw gartii maaha .
Iyadoo aanay mucaaridku doorba Ku lahayn haayadaha wada shaqada qaran
Ka ,wax walibana ay u socdaan sida xukuumadu doonayso miyaa la odhan karaa war saxaafadeedyada qubanaha ah mar mar axsaabtu soo daysaa waa mucaaradad .
Ugu danbayn aynu kaftankeena kusoo xidhno ,ma mucaarid baa jirra hadii maxamed goobaayo .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this