Sign in to follow this  
Deeq A.

Qararka Maxkamadda G/Maroodi-Jeex eey Dugsiyada Nuraddin kaga mamnuucay inay Daabacaan Kutubta Manhajka waynu ixtraamaynaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida muuqatta, Dugsiyada Nuuradin waxa lagu haystaa waxaydin ku xad-gudubteen Xuquuqda Baahinta (copy Right) ee cidda kutubta daabacadaa gaarka u leedahay. Suaal: Maxay maxkamaddu u sheegi wayday cidda lagu xadgudbay.

0D17066C-E680-4E81-AA8B-3B807AA8C0D4.png

· Ta labaaad, Maxkamaddu may sheegin cidda mudiciga ku ah Nuuradddin ee kiiska xaraysay . Ma Wasaaradda waxbarashadaa mise waa qoloda qandraaska ku haysatta daabacaadda Kutubtta manhajka, mise waa cid kale oo sadexaad.

· Haddi aanay sharikadda qandraaska ku haysata daabacaadda Kutubta manhajku iyadu ahayn Mudiciga kiiskan, wasaaradda waxbarashadu ma noqon karto muduci. Sababtuna waa cadaan: Nuuraddinn markay daabaceen kutubta wax dhibaato ah (damage)

imma khasaare ah ( loss) umay gaysan wasaaradda waxbarashada. Xaq wasaaradda ka maqan oy ku dacwidaa Meesha ma yaallo.
· Maxkamadda Maroodi-jeex inoomay sheegin cidda loo ogolyahay inay daabacaan kutubta manhajka Somaliland (mar hadii Nuudadiin laga mamcuucay yaa kale loo ogolyahay). Ma wasaaraddaa daabacaysa, ma dibaddaa laga keenayaa mise cid loo qoondayay ( loo la magac *****) ayaa xaq u leh daabacadda kutubta.

· Maxkammadda Maroodi-Jeex waxa kale oo ay il-duuftay inay caddayso in daabadaadda kutubta manhajku cid aan wasaaradda ogolaanso ka haysan ay ka mamnuuc tahay .

· Qoraalka Maxkamaddu uu ka baxsanyahay habkii lagu yiqiin qaraarka maxkamadaha. waxaad moodaa inay makamaddu wareegto (memorandum) qaybiyinayso.

Xasasn Cabi Yuusuf

Riyadh Saudi Arabia

hassan_ayousuf@hotmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this