Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare oo baaq kasoo saarey dagaalada Hiiran iyo Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Fadhiga oo ahaa kii 12aad ee qaybta ka ahaa Kal-fadhiga 4aad ayaa waxaa shir gudoomiyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Axmed Yuusuf Cabdullaahi, oo kulanka kadib warbaahinta ayaa fahfaahiyay qodobada looga hadlay.

Wuxuu sheegay in Gollaha uu baaq nabadeed udiray Beelaha ku diriraya gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha dalka.

Isku dhacyada oo udhaxeeya Beelo walaalo ah ayaa ka dhacaya degaanka Kaxandhaale oo Galgaduud ah iyo tuulooyin ku teedsan degmada Maxaas oo gobolka Hiiraan hoostaga.

Axmed Yuusuf Cabdullaahi, Ku xigeenka Xoghayaha guud ee Aqalka Sare, ayaa ku tartarsiiyay dowladda Soomaaliya inay kaalin firfircoon ka qaadato dedaalada lagu qaboojinayo xiisada.

Hadalka Aqalka Sare ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo maanta oo Sabti ah ay dowladda udirtay degaaanda colaada laga soo wariyay wafdi balaaran oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, si loogu kala dab-qaado Beelaha.

The post Aqalka Sare oo baaq kasoo saarey dagaalada Hiiran iyo Galgaduud appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this