Deeq A. Posted December 29, 2018 Cadaado ( Sh. M. Network )-Wafdigan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta ka ambabaxay M/Muqdisho, iyaga oo gaari doona deegaanada lagu dagaalamayo ee gobolka Galgaduud. Xubnaha Wafdigani oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada Gole ee BFS ayaa marka hore tagi doona M/ Cadaado oo ay ka bilaabi doonaan kulamo nabadeed. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal Beeleedyo xoogan ay ka dhacayeen agagaarka deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay u jeeka socdaalkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-wasiirka.mp3 The post DFS Oo wafdi xal raadin ah u dirtay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites