Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adihii Qaramada Midoobay Iyo Kuwii Caalamiga Ah Ee Fadhigoodu Ahaa Kenya Oo Muqdisho Isku Shubay, Siyaasad La’aanta Xukuumadda Iyo Deeqihii Somaliland Heli Jirtay Oo Soomaaliya Loo Daba Fadhiisan Doono

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hay’adaha Caalamiga ah (International NGO’s) iyo kuwa Qaramada Midoobay (UN Agencies) ee hawl-galkoodu ku wajahnaa wixii la isku odhan jiray Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya) ayaa u muuqdo kuwo ugu dambayn xaqiijinaya dalabkii dawladda Soomaaliya ugu baaqday in ay xarumahooda Magaalada Nairobi u soo raraan Magaalada Muqdisho waxaana ugu dambeeyey Hay’adda Caalamiga ah ee Care International oo shalay ugu dambayn xafiiskeedii Hawl-galka Soomaaliya (Somali Mission) u rartay Magaalada Muqdisho.

Hay’addan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee sannadkan oo aan dhammaan xarumahoodii u soo rara Magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya waxaana hore ugu soo guuray magaaladaasi Hay’adaha Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo IOM.

Inkasta oo doodo badani ka taagnaayeen xaaladda amni, kuwa siyaasadeed iyo duruufaha dalkaasi Soomaaliya ugu dambayn dawladda beesha caalamku taageerto ee Villa Somalia ayaa u muuqata kuwo maalinba maalinta ka dambaysa xaqiijinaya arrimo badan oo ay muddo soo wadeen oo ay ka mid yihiin in hay’adihii caalamiga ahaa ee fadhigoodu ahaa dalka Kenya ay xarumahooda ka dhigtaan Magaalada Muqdisho taasi oo dhabar jab weyn ku noqon doonta Somaliland oo muddo 28 sannadood ah ka madax bannaan dalkaasi Soomaaliya hay’aduhuna nidaam gaar ah ula tacaamuli jireen si kasta oo ay deeqaha ay soo urursadaan ugu soo qaadaan Magaca Soomaaliya.

Hay’adda Caalamiga ah ee CARE International ayaa noqonaysa Hay’addii saddexaad oo dorraad Khamiistii u soo guurtay Magaalada Muqdisho ka dib Amar ka soo baxay dowladda dalkaasi Soomaaliya. Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah looga furay xafiiska Hay’adda Care International ee Soomaaliya, waxaana xadhigga ka jaray Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo madaxda Hay’adaasi. Hay’addan ayaa xaruntoodu ahayd Nayroobi oo dalka Kenya ah.

Waxa ay ku soo guurtay sida ay masuulinyiintoodu sheegeen amarkii dawladda dalkaasi ka soo saartay in hay’adaha gargaarka Soomaalida ka shaqeeyaa u soo guuraan Muqdisho sannadka cusub ee 2019 bilawgiisa iyaga oo ugu hanjabay hay’addii soo guuri wayda in aanay ka shaqayn Karin Soomaaliya.

Hay’adda Care International waxay ka mid ahayd muddo dheer hay’adaha ugu wax-qabadka roon ee ka shaqeeya Arrimaha Biyaha, Waxbarashada, caafimaadka, tababarada macalimiinta, bulshada Rayidka iyo horumarinta saxaafadda waxaanay ka hawl gali jireen dhammaanba Deegaamada Soomaalida.

Hay’addii ay dhammaanba hay’adahaasi fuliyaan awaamiirtan xukuumadda Soomaaliya oo ay Muqdisho xarumahooda ka dhigtaan waxa ay saamayn weyn ku yeelan doontaa Somaliland, waxaanay dalka iman doonaan iyaga oo fulinaya siyaasadda wasaaradda qorshaynta ee dalkaasi Soomaaliya oo wada shaqaynta ay la leeyihiin ku salayn doona in Somaliland qayb ka tahay Soomaaliya.

Dawladda Somaliland ayaan wax qorshe ah ka lahayn xaaladdan iyo kuwo badan oo la mid ah oo maamulka dalkaasi Soomaaliya kaga libin qaadanayo Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this