Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Xasaasiya:DP World oo bedeshay qorshihii dekeda Berbera+Ethiopia oo caqabad Culus ku noqotay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Xog Xasaasiya:DP World oo bedeshay qorshihii dekeda Berbera+Ethiopia oo caqabad ku noqotay…

dp.jpg

 Shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa wax ka beddeshay qorshaheedii dekedda Berbera, waxaana ay hoos u dhigtay muhiimaddii dekedda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta u sheegay in DP World aysan dooneyn inay maal-gelin buuxda ku sameyso dekedda Berbera, sida qorshuhu ahaa. 

Sida aan xogta ku helnay,kulan uu guddoomiayahaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayam la yeeshay, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu u gudbiyey dhowr arrimood oo walaac uu ka qabo.

Sultan Ahmed ayaa Muuse Biixi u sheegay in DP World ay mar kasta hoggaamiso rabitaanka dowladda Ethiopia, maadaama Ethiopia ay tahay kelyantiga kaliya ee la qorsheeyey in dekedda uu isticmaalo, islamarkaana DP World ay sidoo kale maamuleyso dekedda Assab ee Eritrea. Tani waxa uu macanaheedu yahay haddii Ethiopia ay doorbideyso dekedda Assab, sababo siyaasadeed dartood, waxa ay DP World ku qasban tahay inay xoogga saarto dekedda Assab, taasi oo saameyn ku yeelan doonta horumarintii la qorsheeyey in DP World ay ku sameyso dekedda Berbera.

Markii heshiiska Bebera ay galeen Somaliland iyo DP World, Eritrea waxay ku jirtay go’doon siyaasadeed, waxaana Ethiopia maamulayey Hailemariam Desalegn. Isbeddelkii deg degga ahaa ee dhacay iyo imaatinkii Abiy Ahmed, oo xoogga saaray inuu soo dhoweysto Eritrea, ayaa wax walba beddelay, caqabadna ku noqday Dekeda Berbera.

Waxaa durba jira astaamo muujinaya in Ethiopia doorbideyso dekedda Assab maadabay ka gaws adegtay codsi ku saabsanaa in la dhiso dhuun gaas ah oo shidaalka kasoo qaadda  Killilka Shanaad, marka shidaalka laga soo saaro, lagana dhoofiyo dekedda Berbera.

Wararka ayaa sheegaya in Ethiopia ay doorbideyso dekedaha Assab ama Jabuuti midkood, dhuunta shidaalkana dhinacaas la mariyo.

Dhinaca kale, isaga oo amar ka helaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Workeneh Gebeyahu waxaa la sheegay inuu hor-istaagay in wafti ka socda Ethiopia ay ka qeyb galaan xafladdii furitaanka dekedda Berbera ee dhacday 11-kii October 2018.

Xogta Warbaahintu heshay ayaa sidoo kale sheegeysa in tan iyo markii uu yimid xafiiska Abiy Ahmed uu diiday dhowr codsi oo uu Muuse Biixi doonayey inuu kula kulmo.

MuuseDPWorld-300x200.jpg

Muuse Biixi ayaa la sheegay in wasiirkiisa arrimaha dibedda iyo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka labada ka codsaday inay la tashadaann Axmed Cusmaan oo ah dhaqaalyahan reer Somaliland ah oo ka shaqeeya Bankiga Adduunka, si loo eego fursadaha u furan oo ay Somaliland sameyn karto.

Si kastaba, Muuse Biixi ayaanay u furneyn albaabo badan oo uu go’aan ku qaadan karo, maadaama Imaaraadka Carabtu Bishii siiyaan 4 milyan oo dollar oo Kab miisaaniyadeed ah, islamarkaana ay 7 milyan ku bixiyeen ololihiisa doorashada.

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this