Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda deegaanka Kaxandhaale Oo dagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Waxaa Saaka dagan xaaladda deegaanka Kaxanddhaale ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu shalay halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkan oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu u dhexeeyay laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi.

Inta la ogyahay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 10 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka ka imaanaya deegaankaasi ayaa ku warramaya in xaaladdu ay tahay mid dagan, islamarkaana ay socdaal dadaallo Nabadeed.

Nabadoon Suldaan Cabdikariin oo ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud, si dhowna ula socday xiisadaasi ayaa Shabelle uga warbixiyay xaaladdu sida ay tahay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Soofa-1.mp3

The post Xaaladda deegaanka Kaxandhaale Oo dagan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this