Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran Oo saaka ka socda M/ Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka wada degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose.

Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa ay ka socdaan xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi.

Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay mid lagu baadi goobayo kooxo shalay dil ka geystay gudaha degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada ammaanku ay ku raadjoogaan Raggii ka dambeeyay dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa gudaha Afgooye ka dhacayay falal amaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.

The post Howlgallo ballaaran Oo saaka ka socda M/ Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this