Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda CQS Oo xukun dil ah ka fulisay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay nin ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo horey dil uga geystay magaalada Baydhabo ee xarunta KGM ee Koonfur Galbeed.

Marxuumka dilka lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan Boorow,kaasi oo la sheegay in Masjid ku yaalla magaaladaasi uu ku dilay Sheekh Madeer  Madgaab oo ka mid ahaa culimaa’udiinka caanka ahaa ee magaaladaasi Baydhabo.

Goobta xukunka dilka ah uu ka dhacay waxaa ku sugnaa guddoomiyaha Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo guddoomiyhaha maxakamadda Sare ee ciidanka Qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Muumin Xuseen C/llaahi oo ka socda Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa ka hadlay xukunkaasi dilka ah oo maanta ay fuliyeen.

“Shabaab Maxamed Aadan Cali(Boorow) 24 ina Khadiijo Macalin Maxamed ku dhashey Bokool waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo eedeyey in isagoo ka tirsan Alshabaab uu Masjidka Sheekh Aadan War-iisha,Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,taariikhu markay ahayd 16/6/2017,dilkaasi oo ka dhacay degmadan Baydhabo,taariikhdu markay ahayd 21/6/2017 waxay maxakamaddu ku xukuntay dil toogasho,racfaan ayuu ka qaatay xukunkaasi,5/72017 Maxakamadda ciidanka qalabka sida waxaa ay markale u fariisatay dacwadiisa waxaana lagu xukumay diltoogasho ah,maadaama ay ku cadaatay in  uu dil barer ah uu u geystay marxuum Sheekh Madeer Madgaab Caliyow,maanta oo taariikhu ay tahay 29/12/2018 waxaa lagu fuliyay xukunsanahay xukunkii dilka ahaa,Wabilaahi Towfiiq”. Ayuu yiri Muumin Xuseen C/llaahi.

The post Maxkamadda CQS Oo xukun dil ah ka fulisay Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this