Sign in to follow this  
Deeq A.

Spain Oo badbaadisay Muhaajiriin u badan Soomaali

Recommended Posts

Deeq A.   

Spain  (Sh. M. Network )-Markab sida Muhaajiriin gaaraya illaa iyo 311 Qof oo Soomaali iyo Siiriyan u badan ayaa ku xirtay xeebaha dalka Spain, kadib markii laga soo badbaadiyay Badda Mediterranean ee isku xirta dallka Libya iyo Yurub.

Dalal dhowr ah ayaa la sheegay in ay diiden in ay aqbalaan Muhaajiriintani oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Siiriya iyo Ivory Coast.

Markab gargaar oo laga leeyahay dalka Spain ayaa la sheegay in uu soo samata bixiyay Muhaajiriintaasi, kuwasi oo Badda ku safray intii lagu guda jiray Ciida Kirismaska.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in Muuhaajiriintasi la gaarsiiyay cunto iyo dhar, islamarkaana mara koowaad Haweenka iyo Caruurta laga saarayo Markabka

Maraakiibta Spain ayaa tan iyo 21 bishani soo badbaadiyay 3 Doomood oo ay saarnaayeen Tahriibayaal, kuwaasi oo ay diideen in ay qaabilaan dalalka Talyaaniga iyo Malta.

The post Spain Oo badbaadisay Muhaajiriin u badan Soomaali appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this