Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Oo kulan ku leh Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan gudaha magaalada Muqdisho.

Kulankan oo qeyb ka ah Kalfadhiga afaraad ee Golahaaasi ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaanada BFS uu hortago wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiin doona Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka, taas oo looga fadhiyo in ay si deg deg ah ku meel mariyaan.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa hakad ku jiray kulamada Golaha Shacabka, kadib khilaaf  xoogan oo hareeyay Golahaasi.

The post Golaha Shacabka Oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this