Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda CQS oo toogatay ruux Masjid ku dhex dilay Sheikh Madeer Madgaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ruuxii la sheegay inuu ka dambeeyay dilka Sheikh Madeer Madgaab Cali.

Sanadkii 2017 ruuxaasi ayaa masaajid ku dhexyaala magaalada Baydhabo ku dilay Sheikh Madeer, waxaana kadib qabtay ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo maanta xukunta dilka ah lagu fuliyay.

Ruuxa maxkamadda ciidamada Qalabka sida ay toogatay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Aadan Cali Boorow, waxaana lagu toogtay fagaaraha Maanyafuulka oo ku yaala duleedka magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida Korneyl Xasan Cali Nuur Shuut ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha toogashada ka dhaceysay.

Sheikh Madeer ayaa la dilay sanadkii 2017 xili uu salaada Taraawiixda ku jiray, waxaana ruuxa loo qabtay horey xukunka dlka loogu riday, walow maanta lagu fuliyay xukunka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimadaa@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this