Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Liverpool Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis La Saxeexato Laacibka Christian Pulisic

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Liverpool) Liverpool ayaa qarka u saaran inay ku garaacdo Arsenal saxeexa xiddiga garabka ka ciyaara ee Borussia Dortmund Christian Pulisic sida ay qortay jariirada The Sun.

1C1B7655-61F4-40B5-B259-DCCE321FD084.jpe

Macalinka Liverpool Jurgen Klopp ayaa doonaya in 20 jirkaan Mareykanka ah inuu ku sii xoojiyo kooxdiisa u sharaxan hanashada horyaalka bisha Janaayo.

Arsenal ayaa laga soo diiday dalabkii 35ta milyan ginni ee ay u gudbisay kooxda hogaanka u heysa Bundesliga halka Chelsea sidoo kale lala xiriirinayay xiddiga Mareykanka isbuucyadii u danbeysay.


Laakiin dalabkii furitaanka ee 45ta milyan ginni ee ay Liverpool gudbisay ayaa ah mid u dhow lacagta ay dalbaneyso Dortmund.

Iyadoo kooxda Liverpool ay hogaamineyso horyaalka Premier League oo xilli ciyaareedka bartankiisa la marayo ayaa waxa ay ku rajo weyn tahay in dalab 50 milyan ginni ah inuu ugu filnaan doono inay ku soo xerogeliso xiddigaan marka uu suuqa kala iibsiga furmo Talaadada.


Waxaana ay arintaan niyad-dhis weyn u noqon doontaa Liverpool, waxaana ay tababare Klopp siin doontaa weerar kale oo uu ilaashado seddexdiisa weeraryahan ee kala ah Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Milkiilayaasha reer Mareykanka ee Liverpool ayaa sidoo kale doonaya inay soo xerogeliyaan xiddiga ay isku dalka yihiin, inkastoo Klopp uu leeyahay go’aanka ugu danbeeya ee heshiisyada suuqa kala iibsiga islamarkaana ay kooxdu taageeri doonto go’aamadiisa.

Pulisic ayaa waxaa sidoo kale dooneysa Bayern Munich, waxaana qandaraaskiisa Borussia Dortmund uga haray 18 bilood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this