Deeq A. Posted December 28, 2018 Laba askari oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa ku dhintay bomba-gacmeed caawo lagu tuuray maqaaxi ku taalla magaalada Boosaaso,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Askari kale ayaa isna la xaqiijiyay in dhaawac ka soo gaaray qaraxa ka dhashay bombadaasi oo koox hubaysan ay ku weerareen askartan oo ku sugnaa maqaaxi ku taalla barxadda magaalada Boosaaso. Kooxdii weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana ciidamada amnigu halkaasi ka wadan hawlgallo baaritaan ah. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ,hase yeeshee malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab oo ku sugan buuraleyda gobolka Bari ayaa weerarro sidaan u eg ka geysta magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Askar ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites