Deeq A. Posted December 28, 2018 Beled-wayne (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaan qarax xoogan oo ka dhacay Beled-wayne. Qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa ka dhex-dhacay Guri uu degan yahay Gudoomiyihii ee gobolka Hiiraan, Cumar Baadiyow Mas’uulkaan ayaa ka maqnaa hoyga xiliga uu qaraxu dhacayay, sidda ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo Shabelle la hadlay. Inta la xaqiijiyay hal ruux oo Haweeney ah ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaarey, taasi oo la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaad ee magaaladda. Laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya ayaa gaarey meesha ay wax ka dhaceen, kuwaasi oo baaris sameeyay. Ma jirto koox dhabarka saaratay mas’uuliyadda qaraxaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah looga bartay. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Beled-wayne appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites