Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Beled-wayne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-wayne (Sh.M.Network) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaan qarax xoogan oo ka dhacay Beled-wayne.

Qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa ka dhex-dhacay Guri uu degan yahay Gudoomiyihii ee gobolka Hiiraan, Cumar Baadiyow

Mas’uulkaan ayaa ka maqnaa hoyga xiliga uu qaraxu dhacayay, sidda ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo Shabelle la hadlay.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo Haweeney ah ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaarey, taasi oo la dhigay mid kamid ah goobaha caafimaad ee magaaladda.

Laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya ayaa gaarey meesha ay wax ka dhaceen, kuwaasi oo baaris sameeyay.

Ma jirto koox dhabarka saaratay mas’uuliyadda qaraxaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan falalka noocaan ah looga bartay.

The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Beled-wayne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this