Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ciidamadii ugu badnaa geystay magaalada Boosaaso (Sabab)

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu geeyay magaalada Ciidamadii ugu badnaa, kadib dilal badan oo bartamaha magaalada ka dhacay.

Dilalkaasi ayaa waxaa masuuliyadooda sheegtay kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana ciidamada la geeyay baraha laga ilaaliyo amaanka magaalada Boosaaso gaar ahaan bar Ilaalineedka Koofureed ee magaalada.

Ciidamada oo wata gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inay difaacyo ka sameysteen duleedka magaalada, waxaana jirta baqdin laga qabo in ciidamada Daacish ay weeraro ka geystaan Boosaaso.

Sidoo kale wararka kale ayaa sheegaya in ciidamada loogu tala galay in ay ka hor tagaaan falal amni daro ee ka dhaca magaalada Boosaaso inta gudo jiro doorashada Puntland ay sugi doonaan amaanka magaalada.

Guddiga amniga Boosaaso ayaa maalmo ka hor shaaciyay inay adkeyn doonaan amaanka waddooyinka gala magaalada Boosaaso, inta ay socoto doorashada Puntland, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay xaqiijinta amaanka.

Musharixiin badan ayaa hada waxaaay ku sugan deegaano ka tirsan Puntland, waxaana bilowga sanadka 2019 lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this