Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaas oo qorshe muhiim ah ka leh ciidamada uu geeyay Magaalooyinka garoomada leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha Maamulka Punland ayaa sameeyay qorshe cajiib ah oo uu kaga hortagi karo in dhaqaalo la geeyo magaalooyinka Puntland, isaga oo cabsida ugu badan ka qabo dowladda Soomaaliya.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu sameeyay qorshe uu ciidamo cusub ku dhigayo dhamaan magaalooyinka leh garoomada diyaaradaha, isaga oo og in dhaqaalaha badan aan dhulka la marsiin karin.

Ciidamada ugu badan ayaa la geeyay magaalada Boosaaso oo uu ku yaalo garoon diyaaradeed caalami ah oo laga hergeliyay magaalada, waxaana la doonayaa inay ka hortagaan in lacag cadaan ah laga soo dajiyo garoonka, kadibna dhulka la marsiiyo.

Ciidamada ayaa hadda la geeyay garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garowe, waxaana ciidamada ugu badan ay joogaan magaalada Boosaaso, iyadoo dadka lagu qanciyay inay amaanka xaqiijin doonaan.

Siddeeda bisha soo socoto ee Janaayo ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha Puntland, waxaana hadda muuqan saameyn dowladda Soomaaliya ay ku leedahay arimaha doorashooyinka, walow mar walbaa wax isbadali karaan.

Bilowga bisha soo socota waxaa dhici doona doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, waxaana xigi doona doorashada madaxweynaha Puntland oo inka badan 20 musharax ay u taagan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this