Deeq A. Posted December 28, 2018 Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay isbedal uu Taliyaha ciidanka xooga dalka sameeyay. Maxamed Xasan Daahir, oo kamid ah ciidamada xooga ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku tilmaamay isbedalka mid muhiim u ah gulufka Al-Shabaab. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay inay sii dar-dargelin doonan dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee guud ahaan dalka ka socda. Dhinaca kale, Maxamed Xasan Daahir ayaa ka hadlay howlgalo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay guulo la taaban karo ay ka gaareen ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Shalay ayey ahayd markii digreeto kasoo baxda xafiiska Taliyaha ciidamada xooga dalka, Jenaraal Indha-qarshe, uu isku shaadhayn ku sameeyay qaybaha kala duwan ee milatariga dalka. Hoos ka akhriso wareegtadda The post Isbedal lagu sameeyay ciidanka xooga oo lasoo dhaweeyay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites