Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka DFS oo lagu toogtay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay fal dil ah.

Dilka ayaa loo geystay labo kamid ah askarta ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan, iyo qof shacab ahaa, oo la sheegay inay Dumar ahayd.

Askarta ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa Suuqa Khudaarta ee degmada Afgooye, waxaa ku mashquulsanaayeen qaadista Canshuurta.

Dableydii falka ka dambeysay ayaa meesha ay wax ka dhaceen isaga baxsatay wax-yar kadib markii ay toogashada geysteen.

Laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen soo gaarey ayaa qaaday howlgalo baaris ah.

Ma cadda hadii ay jiraan shaqsiyaad lagu soo qabtay howlgaladaasi xili aaney jirin illaa iyo haatan cid dhabarka saaratay mas’uuliyada dilalkani.

The post Askar ka tirsan ciidanka DFS oo lagu toogtay Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this