Deeq A. Posted December 28, 2018 Garowe (Sh.M.Network) – Amniga magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa si wayn loo adkeeyay kahor doorashada Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkaan oo loo balansan yahay 8-da bisha Janaayo 2019. Ciidamo horleh ayaa lagu soo daabay wadooyinka waawayn ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaasi oo xaqiijinaya inaanu dhici falal lidi ku ah nabad-gelyada inta ay socoto isku diyaarinta doorashada. Olalaha doorashada ayaa si aad ah looga dareemayaan magaalada, iyadda oo wadooyinka lagu xar-dhay xayeysiino ay sameysteen Musharaxiinta oo tiradoodu kor-udhaafeyso 40 Musharax. The post Amaanka Garowe oo la adkeeyay kahor doorashada appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites