Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka qarxay Kaxandhaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta mar kale ka qarxay degaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Iska hor-imaadka oo udhaxeeya Beelo walaalo ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Isku-dhacyada Beelahaan walaalaha oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa salka ku haysa Dhul-daaqsimeed ay isku hayaan.

Dagaalkaan maanta qarxay ayaa kusoo aadaya iyadda oo todobaadkaan gudahiisa ay dhowr jeer dirireen maleyshiyaadka kala taabsan labada dhinac.

Wax-garadka Soomaaliyeed ayaa baaqyo nabadeed oo isa soo taraya ujeediyay labadda Beel, waxaana loogu baaqay inay wadahadal ku xaliyaan waxay kala tabanayaan.

Degaanka Kaxandhaale oo ay xiisaddan ka aloolsan tahay ayaa ku yaala xadka uu gobolka Galgaduud la leeyahay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka qarxay Kaxandhaale appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this